Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dad shacab ah oo lagu laayey wadada isku xirta Muqdisho iyo degmada Balcad

Duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa ka dhacay maanta weerar lagu  rasaaseeyay gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah kaasoo dhimasho iyo dhaawac geystay

Wararka ayaa sheegaya in gaariga la rasaaseeyay uu ka baxay Magaalada Muqdisho kuna sii jeeday degmada Balcad, waxaa dhexda u galay dabley hubeysan oo rasaas ku furtay isagoo marayay degaan lagu magacaabo Masala oo ku dhow Balcad.

Ugu yaraan saddex ruux ayaa la xaqiijiyey iney ku geeriyootay rasaas lagu furay gaariga oo noociisu uu ahaa NOAH, waxayna kala ahaayeen darawalkii gaariga oo magaciisa lagu soo koobay Asad, iyo labo rakaab ah oo kala ahaa gabar wax ka baraneysay mid kamid ah Jamacadaha Muqdisho oo magaceeda lagu sheegay Safa Maxamed Xaaji iyo nin Oday ah.

Dad kale, oo aan la xaqiijin tiradooda ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen rasaastii lagu furay gaariga, waxaana gurmad u fidiyey dad ka soo baxay degmada Balcad, iyadoo la sheegayo iney baxsadeen burcadii falkan geysatay, Mana jiro war ka soo baxay maamulka degmada Balcad oo dhacdadan la xiriira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Dowladda Somalia oo War kulul ka soo saartay doorashooyinkii ka dhacay Kismaayo

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: R/W Rooble iyo Xasan Sheekh oo arimo muhiim ah kawada hadlay

Cabdi Cade

Mid kamid ah Dowladaha Yurub oo Soomaaliya ugu deeqday 8.9 milyan oo dollar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---