Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Kheyre oo la kulmay Ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda, David Hale oo Muqdisho soo gaaray

Kulanka ay wada qaateen Ra’iisul Wasaaraha iyo ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda ayaa looga hadlay deyn cafinta, la dagaallanka argagaxisa iyo dhismaha ciimadamada qaranka Soomaaliyeed.

David Hale oo dowladda ku ammaanay dadaallada horumainta dalka ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre uga mahad celiyay soo dhaweynta ballaan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo ku-xigeenka Xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda ayaa kulankooda sidoo kale iskula soo hadal qaaday kaalinta Mareynkanka uu ka gaysanayo dadaallada dib-u-kabashada qaranka Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa waxaa ka dhexeeya xariir qota dheer oo soo jireen ah oo ku dhisan horumarinta danaha labada dal iyo labada shacab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Dibed-baxyo rabshado watay oo saaka ka dhacay degmo la tirsan Puntland

Caydiid Ali

Faragelinta Kenya Ma Been Abuurbaa Mise Waa Xaqiiqo aan la Dafiri Karin (Ogow Runta)

Cabdi Cade

Uhuru Kenyatta oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Addis Ababa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---