Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Ciidamada AMISOM iyo saraakiil kale oo gaaray Kismaayo iyo Shirar socda

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland gaaray Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Gen. Ticabu Yilma iyo wafdi saraakiil ah uu hoggaaminay.

Taliyaha iyo wafdiga la socda ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo , waxaana markii dambe loo galbiyay qasriga uu magaalada Kismaayo ka dagan yahay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Wararka ana heleyno ayaa sheegaya in Madaxtooyada Jubbaland uu ka socdo kulan u dhaxeeya Madaxweynaha Jubbaland iyo taliyaha ciidamada AMISOM, waxaa sidoo kale madaxtooyada jooga wafdi ka socda Midowga Afrika.

Taliyaha ciidamada AMISOM iyo wafdiga kale ee jooga Kismaayo ayaa Madaxweynaha Jubbaland kala hadlaya doorashada la filayo in Kismaayo ka dhacdo iyo sidii doorashadaasi u noqon laheyd mid hufan.

Taliyaha AMISOM ee maanta gaaray Kismaayo ayaa kasoo jeeda Itoobiya, waxaana horey usoo baxayay warar sheegaya in Itoobiya ay dooneyso in ay cadaadis saarto  Axmed Madoobe oo Kismaayo ku qabanaya doorasho isagu maamulayo si mar kale loo doorto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo War kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Boos Hareeri

Cabdi Cade

Shiikh Shariif iyo Farmaajo oo ka digay qorshe ay damacsan tahay dowlada Somalia

Caydiid Ali

Afgembi ka dhacay Bolivia iyo Madaxweynihii dalkaas oo xabsiga la dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---