Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dad badan oo ku dhintay Goob Xaflad aroos ka socotay iyo Farxadii oo Murugo isku bedeshay

Goob xaflad aroos ka socotay oo kutaala magaalada Mursuuq ee Koonfur-galbeed dalka Liibiya ayaa lala eegtay duqeyn , waxaana halkaasi ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Diyaarad dagaal uu leeyahay Genaraalka xil doonka ah ee Haftar ayaa la sheegay in duqeyntaasi fulisay, waxaana duqeynta ku dhacday goob dad badan joogeen kana socotay xaflad aroos.

Inta la xaqiijiyay waxaa duqeyntaasi ku dhintay 40-qof halka tiro intaa ka badana ku dhaawacmeen, waxaana dadka wax ku noqday goobtaasi ay yihiin kuwa xaflada arooska ka qeyb galayay.

Goobta xaflada arooska ka socotay ayaa mar qura isku bedeshay goob dhiig badan dureero oo farxadii goobtgaasi ka jirtay isku bedeshay murugo, waxaana dadka ku dhintay xaflada ku jiray dad ehel la ahaa lamaanayaasha is guursanayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Turkiga oo qaaday talaabo kale oo ka careesiisay Gariiga iyo Khilaafkii oo soo noqday

Cabdi Cade

Mareykanka oo Hub Casri ah iyo Diyaarado Dagaal ka iibinaya labo Dal oo Carab ah

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Xafiiska Ergada Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo xarigga laga jaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---