Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Dhacdo naxdin & argagax leh oo maanta ka dhacday degaanka Dhagax-dheer

Degaanka Dhagax-dheer oo hoos taga gobolka Togdheer ee Maamulka Somaliland ayaa waxaa ka dhacay dil argagax leh ka dib markii nin oday ah uu degaankaas ku dilay saddex Carruur ah oo uu adeer u ahaa sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Carruurta la laayey oo dhamaantood walaalo ahaa ayaa la sheegay inuu ugu weynaa afar sano jir, iyagoo ku geeriyooday isla goobtii lagu dilay.

Gudoomiyaha degaanka Dhagax-dheer ayaa sheegay in carruurtaasi uu dilay nin adeerkood ah oo maskaxda looga jiray, balse ciidamada Booliska Somaliland ay gacanta ku hayaan Ninkii falkaasi foosha xun geystay.

Shacabka ku nool degaanka Dhagax-dheer iyo degaanada ku dhow ayaa maanta si weyn hadal-hayay dhacdadaas, iyadoo hoyga ay deganaayeen carruurta la dilay ay buux dhaafiyeen boqolaal qof oo ay ku jiraan eheladooda oo dilkaasi ka naxay, falalka noocan ahna maaha mid looga bartay degaanadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ganacsade caan ah oo galabta lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Saraakiil loo xiray weerarkii Al-shabaab ka fulisay xerada ATMIS ee Buulo Mareer

Caydiid Ali

Wasiirkii Labaad oo katirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo is casilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---