Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaarad khaas ah oo waday meydka Allaha u naxariistee Gudoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow.
Diyaarada meydka lagu keenay waxaa la socday masuuliyiin katirsan dowlada federaalka Soomaaliya oo kasoo raacay dalka Qadar, qaar kamid ah ehelada Gudoomiyaha iyo dad kale oo aad ugu dhawaa.
Masuuliyiin katirsan dowlada federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kala duwan ayaa meydka ku sugayay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana la filayaa in meydka Janaaso lagu dukado kadibna aas Qaran loo sameeyo.
Madaxda dalka ugu sareysa ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan salaada janaasada iyo aaska qaran ee saakay magaalada Muqdisho loogu sameenayo Gudoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow oo lagu dilay qarax la abaabulay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com