Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Afhayeenka G/Banaadir oo beeniyey Warar lagu baahiyey baraha bulshada

Afhayeenka maamulka gobolka Benaadir Saalax Dheere ayaa beeniyey warar la isla dhexmarayey illaa galabta oo ka hadlayey  sababta dib u dhaca ku keentay keenida Meydka Ing. C/raxmaan Yariisow.

Dad fara badan oo ay ku jiraan weriyeyaal ka howlgala warbaahinta Muqdisho ayaa baraha bulshada ku faafiyey warar sheegaya in dib u dhaca keenida meydka marxuumka ay ka dhalatay fara gelin ka timid dowlada Britain oo ay sheegeen iney qaadatay meydkiisa maadaama uu dhalashada dalkaas heystay si loo baaro.

“Diinteena suuban iyo Dhaqankeena midna ma qabo iyo Mowtada laga been sheego. Allaha u naxariistee Eng. Yariisow meydkiisa diyaaradii soo qaadi laheyd cilad baa ku timid Berito Subaxdii hore ayaana la keeni doonnaa Muqdisho oo Aas Qaran loogu sameyn doonnaa sida horeyba loo sheegay” ayuu yiri Saalax Dheere.

Afhayeenka ayaa ugu baaqay dadka wararka beenta ah ku faafinaya baraha bulshada iney shacabka jahwareerin ayna ka waantoobaan falka ay ku kacayaan.

“Aan dhaqankeena wanaajino oo beenta iyo baro-bogaandada iska deyno, maalin un buu xanuunkaan oo kale ku taaban doonaa” ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray afhayeenka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taalibaan oo ka hadashay Duqeyntii ka dhacday Kabul ee lagu dilay Ayman al-Zawahiri

Cabdi Cade

(Akhriso) War Murtiyeed rasmi ah oo ka soo baxay shirkii Jabuuti & khalad dhacay oo la saxay

Caydiid Ali

Xildhibaanada Diidan wax ka bedelka Dastuurka oo la kulmay Madaxweyne Xasan (Sawirro)

Cabdi Cade