Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Khayre oo Muqdisho ku soo laabtay, tacsina ugu tegay qoyska Marxuum Ing. Yariisow (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqedisho ayaa tasci ugu tegay qoyska iyo ehelka guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la kulmay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo maamo Nuuriye Xassan Isxaaq oo hooyo u aheyd guddoomiyihii gobakka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerarkii argagagaxiso ee dowladda hoose ee Xamar.

Ugaas M0axamuud Cali Ugaas iyo dhammaan ehelka ayaa Ra’iisul Wasaarha uga mahadceliyay tascida uu ugu yimid qoyska.

Ra’iisul Wasaaraha oo saxiixay buugga tacsida ayaa sheegay in Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan uu ahaa mas’uul Soomaalinimadu ku wayntahay, u taagnaa qarannimada oo aan ka daalin u adeegidda bulshada, waxa uuna Allah uga baryay in uu u naxariisto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog:-Waa maxay Sababta Jabuuti looga dhigay Cadaw Kenyana loola heshiiyay

Cabdi Cade

Dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (Sawirro)

Cabdi Cade

Netanyahu; “Ma aqbaleyno heshiis lagu joojinayo dagaalka Qasa”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---