Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Donald Trump oo ka laabtay Ninkii uu u xushay Agaasimaha Sirdoonka iyo Sababta keentay

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ka laabtay nin uu la doonayay in uu u magacaabo agaasimaha Sirdoonka dalka Mareykanka, kadib dhaleeceyn xoogan oo ninkaasi kala kulmay Warbaahinta.

Donald Trump ayaa u xushay John Ratcliffe in uu u magacaabo agaasimaha Sirdoonka , hasa ahaatee Madaxweynaha ayaa go’aankaasi dib uga laabtay kadib cadaadis soo food saaray ninka la doonayay in la magacaabo.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay Mr Ratcliffe in hannaanka ansixintiisa uu noqon doono mid dhib badan maadaama ay warbaahintu si xun uga hadashay mudanahaasi Congress-ka ka tirsan ee laga soo doorto gobolka Texas.

Trump oo Wariyaasha kula hadlay banaanka Aqalka Cad ayaa sheegay in Warbaahinta si xun ula dhaqantay ninka uu usoo xushay agaasimaha Sirdoonka, waxa uuna xusay in Mudane Ratcliffe isna qaatay go’aan wanaagsan.

John Ratcliffe ayaa sidoo kale Madaxweynaha dalka Mareykanka u sheegay in uusan dooneyn in uu qabto xilka Agaasimaha Sirdoonka, waxa uuna tilmaamay  in uusan dooneyn in shaqadaasi ay noqoto mid siyaasadeysan oo ay xisbiyada isku qabsadaan.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa si weyn u dhaleeceeyay ninkan uu soo xushay Madaxweyne Trump, waxaana Mr Ratcliffe lagu eedeeyay in uu ka been sheegay aqoonta uu u leeyahay arimaha Sirdoonka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Xamse oo culeys weyn kala kulmaya Xildhibanada Golaha shacabka

Caydiid Ali

Ogow Xubnihii Aqalka Sare ugu matalayay Puntland ee liiska laga saaray iyo kuwa soo laabanaya

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo si kulul u beenisay War ka baxay Warbaahinta dowlada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---