Allbanaadir.com
NEWS

Amaanka Muqdisho oo la adkeeyay iyo Meydka Eng Yariisow oo dalka la keenayo

Waxaa saakay xiran qaar badan oo kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinkaasi lasoo dhigay ciidamo badan oo booliis ah oo amaanka magaalada xaqiijinaya.

Wadooyinka magaalada ayaa kaliya waxaa loo ogol yahay saakay baabuurta ay wataan masuuliyiinta dowlada katirsan iyo sidoo kale gaadiidka kala duwan ay wataan  ciidamada qalabka sida .

Saacadaha soo aadan ayaana la filayaa in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyo meydka Gudoomiyihii gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisow oo dalka Qadar ugu geeriyooday dhaawac soo gaaray.

Madaxda dalka ugu sareysa iyo masuuliyiin kala duwan ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan aaska Qaran ee maanta magaalada Muqdisho loogu sameenayo Allaha u naxariistee Eng Yariisow oo lagu dilay qaraxii xarunta gobolka Banaadir ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaarad ku dageysay Qansax Dheere oo rasaas lagu furay iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo Qado sharaf u sameeyay Wasiirka Difaaca Kenya (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo buuraha Golan Heights u aqoonsaday qeyb ka mid ah Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---