Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Khayre Oo caawa Guddoomiyay Shir Muhiim ah oo ka dhacay Dhuusameeb (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa guddoomiyey shirka amniga Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb oo ay ka qayb galeen dhammaan hay’adaha amniga heer federal ee lagu wareejiyey Amniga magalaada

Shirka ayaa aad looga hadlay Qorshaha sugida amniga caasimadda caasimadda Galmudug ee dhuusamareeb, Diyaar garowga sugida amniga shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug, Amniga garoonka diyaaraha Dhuusamareeb iyo sidoo kale Dardar-gelinta qorshaha xoraynta deeganada Galmudug ay argagaxisadu uga sugantahay

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan hey’adaha ku shaqada leh amniga waxa uu faray in iyaga oo wadajira ay kasoonida bulsahda sare loo qaado, sida ugu habboon uga soo baxaan mas’uuliyadda weyn ee loo dhiibay si ay guul ugu dhamaadaan qorshaha lagu dhisayo hey’adaha dowladeed ee Galmudug.

Maanta ayaa laamaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay si rasmi ah ula wareegeen sugidda amniga magaalada Dhuusamreeb ee caasimadd dowlad gobaleedka Galmudug.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Axmed Macalin Fiqi uusan u tartameyn kursigiisa Xildhibaanimo?

Caydiid Ali

Caqabadaha waa weyn ee ku Gedaaman Helidda Dalkugalka dalka Hindiya (Visa)

Cabdi Cade

Dhaqtar loo aadi jiray dalka Hindiya oo imaanaya Isbitaalka KalKaal ee Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---