Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Guddoomiye Yariisow oo daahfuray hab casri ah oo loo adeegsanayo aruurinta Canshuuraha

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta daah-furay barnaamij cusub oo nuuc casri ah loogu adeegsan doono aruurinta qidmadaha lacageed ee laga qaado gaadiidka dadweynaha.

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur oo warbixin horudhac ka baxshay habkan cusub aya sheegay in uu yahay nidaam casri ah oo si adag ula soconaya bixinta iyo dabagalka qidmada laga qaado gaadiidka dadweyanah waxa uuna qayb weyn ka qaadan doonaa fududeynta adeegyada la xariira gaadiidka dadweyanaha.

Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxman Cumar Cusman, ayaa munaasbadda daahfurka barnaamijkaan cusub ka sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay hagaajinta nidaamka maaliyadda iyo habraacyada kale ee la xiriira dakhli uruurinta, si loo xaqiijiyo in dadweynuhu helaan adeeg tayo leh loona simanyahay taasoo ugu danbenyn xaqiijin doonto in la gaaro himillada iyo hadafka fog ee Maamulka Dawladda hoose.

Eng.Yarisow ayaa carabka ku adkeeyay in ka maamul ahaan hirgalinayaa siyaasadda ah (MAYA MUSUQ-MAASUQ) iyo in si khaldan loo isticmaalo hantida dadweynaha tallaaba adagna laga qaadi doono cidii lagu helo falkaaasi.

Dawladda hoose ee Muqdisho ayaa xoogga saaraysa hagaajinta habka shaqada hey’adaha D/Hoose si loo xaqiijiyo gudbinta adeegyada bulshada iyo in maamulku awood u yeesho maalgalinta mashaariic horumarineed ee laga hirgaliyo magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wadahadal weli u socda Xamaas iyo Israel, xili uu dib u bilowday dagaalka

Caydiid Ali

Toogasho ka dhacday saldhig ay degan yihiin Ciidamada AMISOM

Caydiid Ali

Laftagareen oo ka tagay Muqdisho xili uu fashilmay xalinta Khilaafka Farmajo iyo Roble (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---