Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in hannaan diblumaasiyadeed oo dadban ay dib ugu soo celiso dalka muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla dalka Iiran.
Tirada maxaabiistan oo gaareysa 24 ayaa laga dajiyey magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ka dib sannaddo badan oo ay u xirnaayeen Dowladda Iran oo ku eedaysay inay si sharci darro ah uga dhoofin jireen shidaalka.
Diblumaasiiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay inaysan jirin xiriir toos ah oo ka dhexeeya Iiraan iyo Soomaaliya, balse sidii muwaadiniintan Soomaaliyeed dalkooda dib loogu soo celiyo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya kala kaashatay Dowladda Turkiga oo saaxiib dhaw la ah labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Iiraan.
Sii deynta dhallinyaradan ku xirnaa dalka Iran ayaa ka mid ahayd codsiyada Madaxweyne Farmaajo ay u soo gudbiyeen qaar ka mid ah bulshada iyo duubabka dhaqanka ee Puntland xilli uu booqasho ku maraayey degaanadaas bilowgii sanadkan.
Qaar ka mid ah ehelada maxaabiista soo gaaray Boosaaso ayaa sheegay in dhowr jeer uu dib u dhac ku yimi soo celintooda, taas oo salka ku heysay go’aankii Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay dalka Iiraan sanadkii 2016kii.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com