Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo dil ku xukuntay Aadan Maxamed Cali (Sawiiro)

Aadan Maxamed Cali oo ka tirsanaa Daacish ayaa lagu Xukumay Dil Toogasha ah, kadib markii Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ku heshay inuu geystay dilal ka kala dhacay Boosaaso iyo Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo saaka ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in Aadan Maxamed Cali lagu helay inuu ka tirsanaa kooxda Daacish, dilal badana ka geystay magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso kuwasoo u dhacay sidan soo socota;

1- Taariikhdu markay ahayd 24/09/2018 , wuxuua magaalada  Boosaaso ku dilay ExMarxuum L/x/le Axmed Hurfe Jaamac Barre oo ahaa  Taliyahii Gaadiidka Madaxtooyada Puntland.

2- Taariikhdu markay ahayd 25/10/2018, wuxuu sidoo kale Magaalada  Boosaaso ku dilay Marxuum C/raxmaan  Aadan Cali oo ahaa ganacsade sharaab ku iibin jiray Boosaaso.

3.- 19/01/2019 wuxuu degmada H/wadaag ku dilay labo marxuum oo lagu kala magacaabi jiray Marxuum Axmed Max’ed Nuur (Axmed Shiikhaal) oo ahaa Guddoomiye Laameed iyo Marxuum C/laahi Muxumed Cali (C/llaahi dheere).

4- 27/01/2019 wuxuu mar kale Degmada Yaaqshiid ku dily Ex-Marxuum Dable X. Axmed Cabdi Xuseen, iyadoo Ciidamada amnigu ay soo qabteen kadib markii uu dhaawac ka soo gaaray fulinta dilka marxuumkaasi.

Sidoo kale Col. Shuute ayaa sheegay in Maxkamadu sii deysay ka dib markii lagu waayey wax dembi ah C/shakuur Xaaji Barsanji oo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay kooxda Daacish, eedeysanaha koowaadna gacan ka siiyay inuu Isbitaal geeyo dhaawiciisa xiligii la qabanayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Yaa Ku Guulaysan Doono Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya 2022 ?

Cabdi Cade

Madaafiic caawa lagu weeraray garoonka Stadium Muqdisho oo galabta dib loo furay

Caydiid Ali

Mareykanka oo caawa mar kale duqeeyey Buuraha Calmiskaat

Caydiid Ali
Taboola Ads ---