Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo go’aan culus ka qaatay jinsiyadiisii 2aad ee Maraykanka

WAR-SAXAAFADEED

Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Ogoosto, 2019, waxaan si rasmi ah idiinla wadaageynaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu celiyay jinsiyaddiisii labaad ee uu ka qaatay dalka Mareykanka.

Hawshani waa mid soo socotay in muddo ah oo ay ku hawlanaayeen sharciyaqaanno iyo xafiisyada qaabilsan jinsiyadaha ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku noolaa dalka Mareykanka muddo dheer isaga oo ka kororsaday aqoon iyo khibrado shaqo oo kala duwan, wuxuuna Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka noqdoy Ra’iisul Wasaare sanadkii 2010.

Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa oggolaanaya in muwaadinka Soomaaliyeed uu qaadan karo jinsiyad kale, balse markii la doortay ka dib, Madaxweynuhu waxa uu si iskiis ah u bilaabay qorshaha celinta baasaboorka labaad ee Mareykanka ah taas oo maanta soo idlaatay.

DHAMMAAD

Cabdinuur Maxamed Axmed,
Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada JFS
Muqdisho-Soomaaliya

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo khudbad ka jeediyey shirka ururka Islaamka

Caydiid Ali

Laftagareen oo xalay u dabaaldegay Sanadguuradiisii Lixaad (Sawirro)

Caydiid Ali

Xasan Shiikh & wafdigiisa oo gaaray Algeris, kulana la qaatay António Guterres (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---