Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira inuu geeriyooday wiilka uu dhalay Osama Bin Laden?

Saraakiil ka tirsan sirdoonka Maraykanka ayaa u sheegay Warbaahinta dalkaas inuu dhintay wiil uu dhalay hogaamiyihii Al-Qaeda, Osama Bin Laden, kaasoo lagu magacaabo Hamza bin Laden.

Warbaahintu Dhimashada Hamza kama bixinin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qaabka uu u dhintay iyo halka uu ku dhintay balse Hamza bin Laden oo da’diisa lagu qiyaasay 30 sano ayaa dad badan waxay u arkayeen inuu yahay qof badeli kara xilkii uu aabihii ka hayay al-Qaeda.

Mareykanka ayaa sanadkii hore madaxiisa dul saaray lacag dhan hal milyan oo doolar oo la  siinayo cidii soo sheegta halka Hamza uu ku sugan yahay.

Wuxuu soo duubayay Sanadihii dambe codad iyo muuqaallo uu qolyaha taageersan uga codsanayo inay weeraraan Maraykanka iyo xulafadiisa reer Galbeedka.

Dowladda Sacuudiga ayaa kala laabatay dhalashada dalkaas, welina ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya geeridiisa, Ururka Al-Qaeda ee uu ka tirsan yahayna kama hadlin xaqiiqada warkan.

Related posts

Raisul Wasaare Xamse oo shirweyne ka furay Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Ciidan ka soo goostay Puntland oo lagu soo bandhigay Laas-caanood

Caydiid Ali

Amar uu horey soo saaray Duqa magaalada Muqdisho oo socon waayay !! (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---