Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamo Kumandos lagu soo tababay Turkiga oo dalka ku soo laabtay (Daawo Sawirro)

Cutub ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo tababar adag ku soo qaatay dalka Turkiga ayaa dib ugu soo laabtay dalka, iyadoo wasiirka Gaashaandhiga Somalia Xasan Maxamed Cali (ammar dambe) iyo masuuliyiin kale ay ku soo dhoweeyeen garoonka dayuuradaha Aadan Cadde.

Wasiirka oo ay wehliyaan ku simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga ee Soomaaliya, ayaa Ciidanka ku bogaadiyay sida ay ugu Dhabar adeygeen tababarka ay soo qaateen.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage ayaa Ciidamadan kaga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay tababarka u qaateen muddadii ay joogeen Dalka Turkiga

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas cabdi Xasan Maxamed Xijaal ayaa dowlada Turkiga kaga Mahadceliyay dadaalka adag ay ku bixineyso dhismaha ciidanka Xoogga Dalka

Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Federaalka Soomaaliya,Xasan Maxamed Cali waxa uu sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ku howlan tahay dib udhiska Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Ciidanka soo gaaray Magaalada Muqdisho oo ah kuwo kumandoska ayaa muddo ku dhow Sanad waxa ay tababar ku qaadanayeen Dalka Turkiga, waxaana jira dufcado kale oo iyaguna ka soo baxay Dugsiga Turk-Som ee Muqdisho iyo xarumo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dilal argagax leh: Nin caawa Muqdisho ku dilay hooyadiis iyo abtigiis

Caydiid Ali

Xafiiska Raisul Wasaare Khayre oo bilaabay olole lagu difaacayo Madaxaweyne Farmaajo

Caydiid Ali

Shacab ku dhamaaday qarax gobolka J/hoose ku qabsaday gaari ay la socdeen

Caydiid Ali
Taboola Ads ---