Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo War kasoo saaray dilkii loo geystay Suldaan Rashiid Durre

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Tacsi u diray dhamaan Shacabka reer Jubbaland gaar ahaan ehelada qaraabada iyo Salaadiinta  geerida ku timid Alle ha u Naxariistee Suldaan Rashiid Durre oo kamid ahaa Saladiinta Jubbaland kaasoo caawa lagu dilay magaalada Kismaayo

Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyey dilka nabadoonka iney geysteen dhagar qabayaal ka tirsan Kooxda Al-Shabaab sida uu yiri.

Wuxuu sheegay in Suldaan Rashiid Durre uu laf dhabar u ahaa Midnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha shacabka reer Jubbaland wax baddana uu wakhtigiisa u huray nabadeynta iyo walaalnimada Bulshada.

Hayadaha amaanka ayuu Madaxweynahu faray in jawaab deg deg ah ay ka bixiyaan dhacdadan isla markana ay gacanta ku soo dhigaan kuwii falkan foosha xun ka danbeeyay.

Suldaan Rashiid Dhure ayaa caawa lagu dilay xaafada Calanley ee magaalada Kismaayo, isagoo ka mid ah odayaasha dhaqanka Jubbaland ee diidanaa qorshaha Axmed Madoobe ee lagu soo xulayo Xildhibaanada cusub ee Maamulkaas oo dhigaya in nabadoon kasta uu beeshiisa ka soo xulo saddex xubnood, si midkood looga xusho, manajirto illaa hadda cid sheegatay dilkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Kheyre oo xalay Saqdii Dhaxe ku laabtay Dhuuso Mareeb iyo Wadahadalo dib u bilowday

Cabdi Cade

Dagaal gacan ka hadal ah oo ka dhacay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wasiirrada Gaashaanshigga Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Arrin muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---