Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Xukun dil ah ku fulisay nin lagu eedeeyay in fal aad u xun sameeyay

Al Shabaab ayaa fagaare kuyaala deegaanka Buq Goosaar oo qiyaastii 50 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Beled Weyne waxa ay ku dishay nin lagu eedeeyay in uu ku kacay falka qowmu luud oo kale.

Maxkamada Al Shabaab ayaa xukun dil ah ku riday kuna fulisay Maxamed Aadan Nuuroow oo Maxkamada ku eedeesay in uu faraxumeeyay sadex caruur ah sidoo kale ku kacay falka Qowmu luud ah.

Qaadiga Maxkamada Al Shabaab ayaa fagaaraha xukunka lagu fulinayay ka sheegay in ninkan maxkamadda ka hor qirtay in isagoo caafimaad qaba uu fal liwaad ah ku sameeyay carruur yar yar.

Al Shabaab ayaa marar kala duwan xukuno dil ah ku fulisay rag lagu eedeeyay fal qowmu luud ah, kuwa kufsi geestay iyo dad kale ay Al Shabaab ku eedeeyeen dambiyo kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Sheekh oo Xaliyay Cabashadii Beesha Galmaax xilal cusubna u ballanqaaday (Sawirro)

Cabdi Cade

Milateriga Somalia oo shaaciyey iney howlgal ku dileen Shabaabkii ugu badnaa (Sawirro)

Caydiid Ali

Maraykanka oo taageeray Mowqifka uu Midowga Afrika ka qaatay muddo kororsiga DF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---