Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalkaasi maanta u doortay Abiy Axmed oo kasoo jeeda Qowmiyada dalka Itoobiya, waxaana isla maantaba Abiy AXmed loo dhaariyay xilkaasi.
Ra’isul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya ayaa markii la doortay kadib Khudbad uu u jeediyay Baarlamaanka, waxa uuna uga mahad celiyay sida ay ugu doorteen in uu noqdo Ra’isul Wasaaraha Cusub ee Itoobiya.
Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaaraha cusub ee Itoobiya in uu la imaan doono isbadal muuqda, waxa uuna sheegay dimuqraadiyadda curdanka ah ee Itoobiya ay horseeday in ay muwaadiniin dhintaan sannadihii u dambeeyay.
Abiy Axmed ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta mucaaradka iyo Qurbo joogta Itoobiya in laga wada shaqeeyo Nabada iyo horumarka Itoobiya, waxa uuna ka codsaday in is afgarad lagu wada shaqeeyo.
Waxa uu sidoo kale sheegay Abiy Axmed ayaa sheegay in dawladdiisu ay diyaar u tahay in ay Eritrea kala shaqayso sidii loo xalin lahaa muranka u dhaxeeya labada dal iyada oo lawada xaajoonayo.
Ra’isul Wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa ahaa hogaamiyaha xisbiga Oromo People’s Democratic Organization (OPDO) oo ah mid ka mida afarta xisbi qawmiyadeed ee uu ka koobanyahay isbahaysiga talada dalka haya ee Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF).
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com