Warbaahinta caalamka qaarkood ayaa aad u hadal haya dacwad booliiska maamulka Isra’il ee xooga ku heesta magaalada Qudus kusoo oogeyn wiil yar oo afar sano jir ah oo u dhashay Falastiin.
Booliiska ayaa wiilkan yar oo lagu magacaabo Maxamed Rabi Elayyan kusoo oogay in uu dhagxaan ku tuuray gaadiid ay booliiska lahaayeen, waxaana wiilkan iyo aabihiis saacado su’aalo lagu weediinayay saldhig ay leeyihiin booliiska Isra’il.
Aabaha dhalay wiilkan yar oo la hadlay Warbaahinta ayaa layaab ku tilmaamay in wiilkiisa lagu soo eedeeyay in uu booliiska dhagxaan ku tuuray, waxa uuna xusay aabaha in wiilkiisa uusanba aqoon u laheyn booliis uuna awoodin in dhagxaan ku tuuro gaadiid booliis.
Istaa’il ayaa marar badan xabsiyo dhigtay caruur yar yar oo ay ku eedeeyeen in ay kahor yimaadeen ciidankooda, waxaana Isra’il ay sii kordhineysaa cadaadiska ay ku heyso Falastiiniyiinta ku nool bariga magaalada Qudus.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com