Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney Markii ugu horeesay loo caleemo saaray in Ugaasad Noqoto !!

Dad badan ayey layaab ku noqotay munaasabad caleemo saar ugaasnimo oo ka dhacday magaalada Gaarisa ee caasimada gobolka Waqooyi bari dalka Kenya, kadib markii haweeneyn magaaladaasi kunool loo caleemo saaray in Ugaas noqoto.

Sameey Axmed Haaruun ayaa loo caleemo saaray in Ugaas u noqoto mid kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee dega Gaarisa, waxaana munaasabada caleemo saarka haweyndan kasoo qeyb galay haween aad u tiro badan.

Haweeneydan loo caleemo saaray Ugaasnimada oo la hadashay Idaacada BBC-da ayaa sheegtay in rabitaankeeda uu ku yimid in Ugaasad loo caleemo saaro, waxa ayna xustay in ay dooneyso in ay beesheeda mideyso wax badana u qabato.

”Ugaasnimadayda waxay ku bilaabatay, rabitaankayga oo ahaa inaan beeshayda mideeyo, howshaan waxaan ka shaqaynaynay muddo saddex sano ah, wadatashi badan ka dib waxaan istusnay in nabadgelyada iyo xalkaba uu gacanta ugu jiro dumarka oo ah hooyooyiinka dhalay ilmaha. Waa inaan walaalnimadii iyo wanaagii ka dhaxeeyey dadka la muujiyo.”ayey tiri Ugaasad Samey.

Ugaasad Samey ayaa sheegtay in iyaga oo 20-dumar ah fikirkan soo bilaabeen ayna hada gaareen ilaa 500-haweeyn ah, waxa ayna xustay in isla garteen haweynka in Ugaasad iyada u caleemo saaraan.

Waxa ay sheegtay Ugaasad Sameey in iyadu haweenka u tahay Ugaasad, waxa ayna xustay in ay rabto in ay wax badan ka qabato arimaha dumarka a sheegtay in horey wax uga qaban waayeen raga dhaqanka ku hogaamiya beesheeda.

“Ragga wax wey ka qaban waayeen arrimaha haweenka. Waxaan aniga ugaasad u ahay haweenka waxaan diyaar u ahay in aan si cadaalad ah dadka ugu shaqeeyo, aana u gargaaro kuwa tabaaleysan.”ayey tiri Samey.

Caleemo saarka haweeneydan Ugaasada noqotay ayaa durbo waxaa kasoo horjeestay qaar kamid ah waxgaradka beesheeda kuwaa oo cadeeyay in aysan aqoonsaneyn Ugaasna u aheyn haweeynda la caleemo saaray.

“Dhaqan aanan lahayn ayaa lugaha noola geliyey, mana aqbaleyno arrinkan. Waxaan leennahay dhaqan soo jireen ah,” Ayuu yiri Jibril Kadiye oo kamid ah waxgaradka beesha ay kasoo jeedo haweeneyda Ugaasnimada loo caleemo saaray.

Caleemo saarka Ugaasad Samey ayaa hadal heyn badan ka abuurtay gobolka Waqooyi bari dalka Kenya gaar ahaan magaalada Gaarisa, waxa ayna arintan noqotay mid dad badan ku cusub oon horey loo arag Haweeney Ugaasad ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madax Kala duwan oo ka hadlay Weerarkii Kismaayo iyo Wararkii ugu dambeeyay

admin

Xamse oo casho ku Maamuusay Saraakiisha la socota Markabka dagaalka Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Addis ababa kula kulmay dhigiisa Nana Akufo-Addo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---