Wareegto kasoo baxday Xafiiska Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye kuxigeenka 1aad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa shaqada looga joojiyay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdi Kariin Xaaji Cabdi Buux .
Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ayaa lagu eedeeyay in uu faraha la galay khilaafka siyaasadeed ee Baarlamaanka ka dhax aloosan , waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu si khaldan u adeegsaday awooda maamul.
Qoraalka kasoo baxay Gudoomiye Muudey ayaa lagu faray kuxigeenka Xoghayaha guud ee golaha shacabka Maxamed Cabdulaahi Cabdi (Ciyow) in uu si KMG ah usii hayo shaqadii laga joojiyay Xoghaye Buux.
Cabdi Kariin Buux ayaa kamid ah xubnaha la safan Gudoomiyha Mooshinka ka yaalo ee Jawaari , waxa uuna soo saaray qoraalo lagu difacayay Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Cabdiweli Muudey
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com