Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Shaaciyay Xiliga Mooshinka Jawaari laga gudbiyay Baarlamaanka la horgeenayo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sabtidii baajiyay kulan ay ku balan sanaayeen Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya oo la filayay in Mooshinka laga gudbiyay Jawaar lagu horgeeyo Baarlamaanka.

Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Gudoomiye Jawaari ayaa wali ku adkeesanaya in mooshinkooda wali uu sidiisa yahay, waxa ayna sheegeen in dhawaan Baarlamaanka la horgeyn doono mooshinkaasi.

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo kamid ah Xildhibaanada horboodaya Mooshinka ayaa sheegay in aysan jirin wax xal ah oo laga gaaray mooshinka Xildhibaanada ka gudbiyeen Jawaari.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Mooshinka wali uu sidiisa u taagan yahay wax isbadal ahna uusan jirin, waxa uuna tilmaamay in mooshinka Xildhibaanada la horgeyn doono maalinta arbacada ah.

”Mooshinka wali waa taagan yahay arbacada ayaana Baarlamaanka la horgeyn doonaa insha Allah, Madaxweynaha ma bur burin mooshinka mana bur burin karo, Arbacada ayaa mooshinka la horgeyn doonaa Baarlamaanka” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Cali.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu la kulmay Gudoonka Baarlamaanka balse uusan wali la kulmin Xildhibaanada Mooshinka ,waxa uuna meesha ka saaray in mooshinka wadahadal laga galayo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wada dadaalo xal looga gaarayo mooshinka laga gudbiyay Gudoomiye Jawaari, waxaana laga cabsi qaba mooshinka in Xildhibaanada ka dhax abuuro xiisad iyo gacan ka hadal hadii Baarlamaanka shiraan iyada oon xal la gaarin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Ruushka oo ka hadashay xubinimada Somalia ee Golaha amaanka QM

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo shacabka ugu hambalyeeyey Ciida, kana hadlay xaalada dalka (Daawo)

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Mdaxweyne Guudlaawe & Raisul Wasaarihii hore? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---