Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo soo bandhigtay Sawirada labo qof oo ku dhintay Duqeyntii Ceelbuur (Daawo Sawirada)

Waxaa shalay galinkii dambe duqeymo xoogan ay fuliyeen Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka ka dhaceen meel ku dhaw deegaanka Dac oo hoos tagta Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Duqeynta ayaa la sheegay in lala eegtay gaari ka baxay Degmada Ceelbuur oo kusii jeeday Deegaanka Dac, waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa in saldhig Al Shabaab lahaayeen sidoo kale la duqeeyay,

Warbaahinta Al Shabaab war lagu daabacay ayaa lagu sheegay in duqeyn lala helay gaari marayay Deegaanka Dac lagu dilay sadex qof oo labo kamid ah sheegeen in ay ahaayeen nin Nabadsoon ah iyo nin kale oo abwaan ahaa.

Dadka dhintay duqeynta waxaa kamid ah Cali Maxamed Waasuge (Cali Xareed) oo kamid ahaa Odayaasha Degmada Ceelbuur iyo sidoo kale Abwaan Yuusuf Maxamed Dhagey oo isna caan ka ahaa gobolka Galgaduud.

Labadan Oday ayaa la sheegay in ay kamid ahaayeen dadka sida weyn u taageersanaa Shabaabka ka howlgala Bariga Galgaduud, waxa ayna marar badan kasoo muuqdeen Munaasabado Al Shabaab qabanayeen.

Al Shabaab ayaa iska beenisay in Duqeynta gaariga lala helay in ay la socdeen saraakiil iyo dagaalyahno katirsanaa kooxdaasi, waxa ayna sheegeen in duqeynta dadka lagu dilay ay ahaayeen dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne Deni oo lagu hor dhaariyey Golaha cusub ee Wasiirada Puntland

Caydiid Ali

Akhriso Magacyada iyo Qabiilada Taliyaasha iyo Agaasimayaasha uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay dhigiisa Mareykanka Joe Biden (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---