Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Madaxweyne Biixi oo daah furay Qorshe mudo shan sano ah soconaya (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u daah-furay qorshaha shanta sano ee soo socota ay ku hawlgeli doonto hay’adda dhawrista tayada Somaliland.

Munaasibadda daah-furka qorshaha shanta sano ee hay’adda dhawrista oo lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxda hay’adda dhawrista, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu faah-faahinayo muhiimadda ay hay’addani qaranka u leedahay iyo sida ay bulshadu ugu intifaaci doonto qorshaha shanta sano ee la dejiyey.

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaguna madasha daah-furay, ayaa si waafi ah u sharraxay qiimaha ay leedahay inuu qaranku yeesho hay’ad dhawriseed oo qorsheyaal cadcad leh taasoo jeexatay jidkii ay u mari lahayd hiigsigeeda iyo himiladeeda dambe.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu hay’adda dhawrista tayada Somaliland ku bogaadiyey dedaalka ay sameeyeen iyo hirgelinta qorshaha wax-ku-oolka ah ee ay curiyeen, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay si buuxda u garab geli doonaan una taageerayaan sidii ay qosheyaashaasi u noqon lahaayeen qaar hirgala oo sidooda looga faa’iidaysto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shiinaha oo ka hadlay Dhibaatada ka dhalan karta Gantaalka soo fakaday ee maanta dhulka…

Cabdi Cade

Jadwal cusub oo loo sameeyey xiliga ay soconeyso doorashada xubnaha Golaha shacabka

Caydiid Ali

Wasiirad Fowsiya oo sheegtay in dalka laga helay kiisas cusub oo COVID-19 ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---