Allbanaadir.com
NEWS

Burundi oo ka hadashay Ciidamo Al Shabaab ka dileen iyo kuwa la la’yahay

Dowlada Burundi ayaa qiratay in khasaaro kala duwan uu kasoo gaaray weerar Al Shabaab ku qaadeen ciidamadooda oo ku sugnaa Duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Afhayeenka Ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM Floribert Biyereke ayaa sheegay in lix askari oo katirsan ciidankooda lagu dilay weerarka ka dhacay Degmada Balcad sidoo kale lagu dhaawacay sadex askari oo kale.

Waxa uu sidoo kale afhayeenka ciidamada Burundi sheegay in labo kamid ah ciidankooda la layahay, waxa uuna xusay in ciidankooda la weeraray xili ay geedo ka jarayeen laamiga u dhaxeeya Jowhar iyo Balcad.

Al Shabaab ayaa sheegtay in ay weerareen ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Burundi xili ay ku sugnaayeen duleedka Balcad, waxa ayna Al Shababa sheegeen in weerarkaasi ku dileen ilaa 10-askari oo katirsan AMISOM.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dayax-madoobaad sanado kaddib laga arkay dalal Afrika kuyaalla

Cabdi Cade

Dowladda Somalia oo War ka soo saartay go’aanka dib loogu dhigay dacwadii Badda

Caydiid Ali

Jadwalka Shan Kursi oo lagu dooranayo magaalada Gaalkacyo oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---