Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayaa lagu daweenayaa isbitaal kuyaala magaalada Doha, kadib dhaawac culus oo kasoo gaaray weerarkii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir.
Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaradaha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo ku sugan Isbitaalka lagu daweenayo Gudoomiyaha ayaa sheegtay in xaalada Caafimaad ee Yariisow ay hada tahay mid kasoo reeneysa.
Waxa ay sheegtay Khadiijo Diiriye in Xaalada caafimaad ee Gudoomiyaha ay hada ka duwan tahay sidii hore, waxa ayna xustay in dhaqaatiirta ay si weyn ula tacaalayaan xaalada dhaawac ee Gudoomiyaha.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegtay in dhaawacyada kale ee isbitaalka Doha ku jira iyagana xaaladooda ay soo wanaagsanaaneyso, waxa aya caafimaad deg deg ah u rajeesay masuuliyiinta iyo dadka kale ee dhaawacyada qaba.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dhaawac culus oo caloosha iyo madaxa waxa uu kasoo gaaray weerarkii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, waxaana dhaawaca Gudoomiyaha iyo xubno kale loo qaaday dalka Qadar oo hada lagu daweenayo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com