Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ajaaniib lala xiriiriyey Xarakada Al-Shabaab oo Maxkamad lagu soo taagay Mombasa

Maxkamad ku taala Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa bilowday dhegaysiga dacwad loo haysto afar ruux oo Hindi ah kuwaasoo lagu eedeeyay inay hub ka iibiyeen Xarakadda Al-Shabaab.

Wargeyska The Star ayaa qoray in raggan oo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya haddana ay ku lug yeesheen kiis ah inay hub u gudbiyaan Al-Shabaab iyagoo kasoo gudbiyay xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in afarta ruux ee Hindida ah Sadex ka mid ah ay wada dhasheen waxaana la hor geeyay cadeymo Boolisku sheegay inay baaritaan ku ogaadeen.

Hubka ay Al-Shabaab ka iibiyeen waxaa lagu sheegay inay ku jireen qoryaha fudud iyo bambaanooyin sida boolisku sheegay.

Baaritaan lagu sameeyay guri ay magaalada Mombasa ka degan yihiin ayaa boolisku sheegay inay ka heleen hub fara badan kaasoo qorshuhu ahaa in Soomaaliya loo soo gudbiyo kadibna Al-Shabaab laga iibiyo.

Magacyada Hindidaan lagu eedeeyay inay hubka Al-Shabaab u keeni jireen waxaa lagu sheegay Baktash Akasha, Gulam Hussein, Ibrahim Akasha iyo Vijaygiri Goswami

Eedeysanayaasha ayaa ayaa ku andacooday in hubka laga helay gurigooda ay isku illaalinayeen ka dib markii ay dhawr jeer la kulmeen hanjabaad ay sheegeen inay uga timid dad aysan garaneyn balse dacwad oogayaasha ayaa sheegay in hub fara badan oo intaas le’eg aysan suuragal aheyn in la isku ilaaliyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Fahad Yaasiin oo Magacaabay taliyaha cusub ee Nabad sugida Gobolka Benaadir

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo dalka ku soo celineysa dhalinyaro ku xirxiran dal ku yaalla qaarada Afrika

Caydiid Ali

Yaa Mudan in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya (Codkaaga ku biiri)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---