Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney caawa lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Kooxo hubeysan ayaa caawa fiidnimadii waxay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ku dileen Haweeney la sheegay inay ka mid aheyd dadka degaanka.

Dilka ayaa ka dhacay agagaarka Ex-shineemo Cabdi Waayeel waxaana dadka degaanka sheegeen in ragga hubeysan ee haweeneyda dilay ay goobta ka baxsadeen.

Lama sheegin magaca haweeneydan balse dadka degaanka qaarkood ayaa ku waramay iney ka tirsaneyd Ururka haweenka degmada Heliwaa, waana taas sababta la aaminsan yahay in nafteeda loo dhaafiyey.

Ciidamada amaanka ayaa sida caadada ah gaaray goobta dilku ka dhacay, iyagoo halkaas ka wada howlgalo lagu baadi goobayo raggii dilkaas ka dambeeyey.

Waa habeenkii labaad ee Muqdisho ay ka dhacayaan dilal lala beegsanayo  masuuliyiin iyo dad la shaqeeya Maamulada degmooyinka gobolka Banaadir, xalay ayeyna aheyd markii degmada X/weyne lagu dilay Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa Maamulka degmadaas, iyadoo la dhaawacay masuul kale oo la shaqeynayey.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne caan ah oo Magaalada London ku tilmaamay goob dagaal

Caydiid Ali

(Sawirro) Tababar loo soo xiray ciidamo ku xareysnaa Dugsiga Ciidamada ee…

Cabdi Cade

Madaxtooyada Somalia oo beenisay Warbixin lagu daabacay Wargeyska Al-Waddan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---