Wararka ka imaanaya magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan oo katirsanaa kuwa Ahlu Sunna maanta saacado kooban la wareegeen garoonka diyaaradaha Dhuuso Mareeb.
Ciidankan oo ku hubeesnaa gaadiid dagaal ayaa la sheegay in ay tageen garoonka ayna ku amreen maamulka garoonka in diyaarad aysan kasoo degi karin garoonka sidoo kale aysan ka duuli karin.
Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan maamulka Ahlu Sunna ayaa la sheegay in ay markii dambe ku baxeen garoonka ayna la hadleen ciidankii halkaasi tagay, waxaana la sheegay in wadahadal kadib xal laga gaaray ciidankii garoonka tagay.
Wali lama oga sababta keentay in ciidankan katirsanaa kooxda Ahlu Sunna ay tagaan garoonka Dhuuso Mareeb ayna is hortaagaan shaqada garoonka, mana jiro wax faah faahin ah oo arintan ka bixiyay maamulka Galmudug.
Amaanka garoonka diyaaradaha Dhuuso Mareeb ayaa dhawaan lagu wareejiyay ciidamo katirsan dowlada federaalka Soomaaliya, waxaana dhacdadan maanta ka dhacday Dhuuso Mareeb kusoo aadeysa xili uu halkaasi wali joogo Ra’isul Wasaare Kheyre.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com