Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Burcad booliis iska soo dhigtay oo Garoon ka dhacay Dahab lagu qiimeeyay 30-Milyan Dollar

Kooxo burcad hubeesan oo iska soo dhigay booliis ayaa dhac xoogan ka geestay garoon diyaaradeed oo kuyaala magaalada São Paulo ee dalka Brazil.

Burcadan ayaa xirtay dareeska ciidanka booliiska waxa ay sidoo kale wateen gaadiid lagu buufiyay astaanta booliiska , waxa ayna dhac ka geesteen garoonka diyaaradaha Guarulho ee magaalada São Paulo .

Afhayeen u hadlay maamulka garoonka diyaaradaha Guarulho ayaa sheegay in burcada hubeesan ee garoonka soo galay dhaceen 750 Kiilo oo dahab ah oo lagu qiimeeyay lacag gaareysa  30 Milyan oo doolar.

Burcada booliiska iska dhigay ayaa qafaashay labo ruux oo kamid ahaa shaqaalaha garoonka ay adeegsanayeen intii ay dhaca wadeen, mana jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay dhaca burcada geesteen.

Dahabkan burcada hubeesan ka dhaceen garoonka diyaaradaha Guarulho ayaa waxaa loo waday magaalooyinka New York iyo Zurich, waxaana booliiska Brazil wadaan baaritaano ay ku raadinayana buracad booliiska iska soo dhigay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo dhimasho & dhaawac geystay oo caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in xilka laga qaaday Gudoomiyihii Guddiga Doorashada heer Federaal?

Caydiid Ali

Soomaali lagu dilay Weerar Seefaf iyo Budad loo adeegsaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---