Allbanaadir.com
NEWS

Maxa ka soo baxay kulan Madaxweyne Farmaajo la qaatay Wufuud ka socotay Midowga Afrika & QM? (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si wadajir ah u qaabilay Guddiga Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika u qaabilsan dhaqaale u raadinta ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay masuuliyantan ahmiyadda ay leedahay in lasii dardargeliyo wadashaqeynta AMISOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, dadaallada lagu xaqiijinayo sidii kooxaha nabad diidka ah looga sifeyn lahaa dalka iyo in ciidamada Soomaaliyeed loo diyaariyo qaabkii ay ula wareegi lahaayeen masuuliyadda amniga guud ee dalka.

Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa bogaadiyey qorshaha uu Madaxweynaha hormuudka ka yahay ee lagu tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoona muujiyeey sida Beesha Caalamka uga go’antahay garab istaaga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wakiillada ayaa isla soo qaaday in Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay kala shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya dhaqaale u raadinta Ciidamada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhawrkii toddobaad ee lasoo dhaafay ku shaqeynayay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ahmiyad sare siinaya dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida.

Wafdigan waxaa hoggaaminayey Jean-Marie Guehenno iyo Ramtana Lamamra oo madax u ah Guddiga Dhaqaale u raadinta Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa Danjireyaasha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya Michael Keating iyo Francisco Madeira. Dhanka Dowladda Federaalka Waxaa kulankan ku wehlinayay La-taliyaha Amniga Qaranka Mudane Cabdi Saciid Muuse.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Laftagareen iyo safiirada dalalka Maraykanka & UK? (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Putin oo diyaarado Dagaal waardiye ka hayaan oo tagaya dalka Iran

Cabdi Cade

Somalia oo loo ansixiyay muddo kadib dhaqaale looga jawaabayo COVID-19 & Warar kale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---