Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Raisul Wasaare Boris Johnson oo walaalkiis ku soo daray golihiisa Wasiirada

Ra’’iisul Wasaaraha cusub ee Ingiriiska Boris Johnson ayaa walaalkiis u magacaabay xil cusub ka dib markii uu ku dhawaaqay magacyada golaha wasiirada cusub.

Boris ayaa walaalkiis Jo Johnson u magacaabay wasiir dowlaha Wasaaradda ganacsiga, tamarta, Warshadaha iyo Waxbarashada ee dalka Britain.

Sida ay baahisay wakaalada wararka ee reuters Waxaa uu magacaabay wasiiro ay u muuqato inay tageerayaan arrinta ku aadan in Ingiriisku  ka baxo Midowga Yurub.

Boris Johnson ayaa waxaa uu ballan qaaday in Britain ay ka bixi doonto Midowga Yurub dabayaaqada bisha Oktoobar ee sanadkan xitaa haddii aan wax heshiis ah lala gelin Midowga Yurub, balse dadka falanqeeya arrimahan aya sheegaya ineysan arintu u fududeyn sida uu ugu dhawaaqay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ergaygii Israel u joogay Maxkamadda Dambiyadda Caalamiga ee ICJ oo is casilay

Cabdi Cade

Saraakiil iyo Ciidamo kusoo dhaawacmay dagaalka Guriceel oo Muqdisho la keenay

Cabdi Cade

Shiinaha oo jawaab aysan ku farxin Israel ka bixiyey weerarkii Xamas

Cabdi Cade
Taboola Ads ---