Allbanaadir.com
NEWS

Musuq-Maasuq Halis ah oo ku wajahan Ganacsiga Qaadka Somalia iyo Canshuuraha ay Dowladdu ka hesho

Iyadoo Dowlada Federaalka Soomaaliya ay Canshuur badan ka helaan Ganacsiga Qaadka ayaa warar la heley waxay sheegayaan in uu jiro qorshe halis ah ku ah ganacsiga qaadka Soomaaliya, waxaana Qorshahaas wada Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka si loo Musuq-Maasuqo Canshuuraha ay dowladdu ka hesho qaadka, laguna curyaamiyo Ganacsatada Soomaalida qaadka keena dalka.

“Xubno ka tirsan Dowladda ayaa waxay garab ku siiyaan  ganacsatadan in si aan sharci ahayn [Monopoly] ay ku maamulaan ganacsiga qaadka, si ay Dhaqaale aan sharci ahayn uga sameeyaan arritan” ayey yiraahdeen qaar ka mid ah Ganacsatada qaadka oo si weyn uga digey Qorshahaas oo abaabulkeeda hadda la wado waxay sii raaciyeen

“Maalmihii u dambeeyay waxaa socday shirar hoose oo ay lahaayeen qaar ka mid ah Ganacsatada aan Sooamalida ahayn ee qaadka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka   waxaana Qorshahaas lagu bixiyey lacag u dhexeysa 380,000 illaa 400,000 oo Doollar, si ay ugu jideeyaan Musuq-maasuqa ay doonayaan, iyadoo loo balan qaadey haddii uu Qorshahaas uu fulo in la siin doono lacago kale waxaana  arrintan ku lug leh, Masuuliyiin ka tirsan wasaaradaha ku shaqada leh canshuuraha qaadka”

Qorshahaas la doonayo in Ganacsiga qaadka Soomaliya gacanta loogu geliiyo ganasato aan Soomaali ahayn kuwaas oo Qorshahoodu uu yahay in ay Suuqa ka saaraan ganacsatada Soomaaliyeed ee keena qaadka,” ayey yiraahdeen qaar ka  tirsan ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka keena dalka.

Sidoo kale, waxay Ganacsatadaas Soomaaliyeed ay sheegeen in ganacsatadan ay gacan ka helayaan Shirkadaha Diyaaradaha qaadka keena, Waxaana qorshahooda lagu sheegay inay doonayaan inay mar kale Musuq-maasuqaan Canshuuraha laga qaado qaadka, iyadoo la ogyahay in dhawaan mas’uuliyiin kala duwan loo xir-xiray Musuqmaasuqa Canshuuraha qaadka.

Ganacsatadaas waxay sheegeen in talaabadaan ay ku kooban tahay Gobolka Banaadir oo keliya iyagoo sheegey iney u muuqato in la doonayo in lagu curyaamiyo Gacansiga,  Dhaqaalaha iyo Shacabka ku nool Caasimadda dalka, iyaoo intaas ku daray in Dyaaradaha Qaadka keena Soomaaliya laga leeyahay dalka Kenya waxay Milkiilayaasha iska leh la safteen Ganacstada Keenyaanka ah si ay u helaan Dhaqaale ka badan midka ay hadda Qaadka ku keenaan Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasi caan ah oo sheegay in qaraxyadii ka dhacay Muqdisho ay fududeeyeen Ciidanka xasilinta

Caydiid Ali

Maxkamad sii deysay nin lagu helay inuu kufsaday haweeney (Sababta)

Caydiid Ali

Hadal uu jeediyay Madaxweyne Gaas oo caro badan dhaliyay iyo Jawaabo laga bixiyay!!!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---