Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo Hakisay Wada shaqeyntii Dowlada federaalka Baaqna u dirtay Beesha Caalamka

Golaha Wasiirada maamulka Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa u codeeyay in la hakiyo xiriirkii ka dhaxeeyay dowlada federaalka iyo maamul goboleedka Jubbaland.

Kulanka ay yeesheen Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa waxaa gudoominayay Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe , waxaana kulanka diirada lagu saaray faragalin ay sheegtay Jubbaland in ay kala kulmeyso dowlada federaalka.

Golaha Wasiirada maamulka Jubbaland ayaa isku raacay in la hakiyo maanta laga bilaabo wada shaqaynta iyo isku socodka Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale Qoraal kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa looga jawaabay Qoraalkii shalay kasoo baxay Wasaarada Arimaha gudaha Soomaaliya ee looga hor yimid Odayaasha soo xulaya Xildhibaanada Jubbaland.

Jubbaland ayaa dowlada federaalka Soomaaliya ku eedeesay in ay faragalin ku heyso doorashada, waxa ayna Beesha Caalamka ugu baaqday Jubbaland in ay la socdaan faragalinta dowlada federaalka ku heyso doorashada Jubbaland.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Jubbaland

 

 

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Xoghayaha Difaaca Dowladda Mareykanka

Cabdi Cade

Farmaajo oo ka hadlay dhalashada Bisha Ramadaan, Hambalyana u diray Shacabka

Caydiid Ali

Daawo Sawirro: Hormuud oo deeq gaarsiisay Maxaabiista Xabsiga Dhexe iyo Naafadda ciidamada Xogga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---