Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweynihii ugu Da’da weynaa Caalamka oo goordhaw geeriyooday

Madaxweynaha dalka Tunisia Beji Caid Essebsi ayaa la xaqiijiyay in uu goordhaw geeriyooday,  kadib xanuun lasoo darsay sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin katirsan dowlada Tunisia.

Beji Caid Essebsi ayaa la sheegay in uu u geeriyooday xanuun mudooyinka hayay, Madaxweynaha ayaana shalay oo arbaco aheyd la dhigay isbitaal gaar ah oo lagu daweenayay kadib markii uu xanuunka kusii kordhay.

Madaxweynaha dalka Tunisia Beji Caid Essebsi ayaa ku geeriyooday da’da 92-sano jir, waxa uuna Madaxweynaha geeriyooday ahaa ninkii ugu da’da weynaa ee xiligan dunida Madaxweyne ka ahaa.

Dalka Tunisia ayaa si weyn looga dareemay geerida ku timid Madaxweynaha doorashada ku yimid, waxaana dalkaasi si weyn looga hadal hayaa geerida ku timid madaxweynahooda iyo sida xaalka uu noqon karo.

Madaxweynaha geeriyooday Beji Caid Essebsi ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee doorasho ku yimaada talada dalka Tunisia, waxa uuna Madaxweynaha dhawaan dalkaasi ka hirgaliyay sharciyo badan oo qaarkood muran dhaliyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

War deg deg ah: Ciidamo iyo gaadiid dagaal oo caawa la soo dhoobay xarunta dowlada hoose

Caydiid Ali

Kenya oo lacag badan siineysa cidii keenta xog lagu soo qabanayo Sadex Nin oo baxsad ah

Cabdi Cade

Ciidamo ka tirsan Gorgor & Haramcad oo lagu soo dhoweeyey garoonka Aadan cadde (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---