Allbanaadir.com
NEWS

Warar kala duwan oo kasoo baxaya qofkii fuliyay Qaraxii xarunta gobolka Banaadir

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro badan geestay oo shalay galinkii dambe ka dhacay gudaha xarunta gobolka Banaadir gaar ahaan hool ay shir ku lahaayeen Gudoomiyaha gobolka iyo xubno katirsan maamulkiisa.

Qaraxa oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa la sheegay in ay fulisay haweeney waxyaabaha qarxa jirkeeda kusoo xirtay taa oo gudaha u gashay hoolkii uu ka socday shirka Xubnaha maamulka Gobolka Banaadir.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa ay fulisay haweeney la socotay Basiiro Cabdi Maxamed oo aheyd Agaasimihi Naafada Gobolka Banaadir, waxaana qaraxa la sheegay in uu dhacay markii gudaha galeen kadib.

Ilo katirsan laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa sheegaya in qaraxu u badan yahay in ay fulisay haweeneyda la socotay agaasimaha , waxaana la sheegay in aan gabadha la baarin maadaama horey looga yaqaanay xarunta gobolka.

Wariye katirsan Warbaahinta dowlada Soomaaliya ee SNTV oo xiriir dhawna la leh laamaha amaanka ayaa sheegay in qaraxa ay fulisay Haweeneyda agaasimaha Naafada gobolka Banaadir aheyd ee Basiiro Cabdi Maxamed.

Laamaha amaanka ayaan wali si rasmi ah uga hadlin qaraxan ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, waxa ayna saraakiisha laamaha amaanka sheegeen in aysan ka hor dhici doonin baaritaanada socda.

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed C/laahi Tuulax ayaa sheegay in qaraxa tuhmayaan in ay fulisay haweeney, waxa uuna xusay in la baarayo Kaamirooyinka ku xirnaa xarunta.

Waxa uu sheegay Tuulax in qofka qaraxa fuliyay loo fududeeyay ayna kala shaqeeyeen dad gudaha xarunta ku sugnaa, waxa uuna xusay in wax walbo la ogaan doono marka ay baaritaanada soo dhameeyay.

Qaraxa shalay galab ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa waxaa ku dhintay sadex Gudoomiye degmo, sadex agaasime iyo la taliye sare, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay dad uu ku jiro Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Related posts

Somalia & Iran oo ka shaqeynaya soo celinta xiriirkii diblomaasi

Caydiid Ali

Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee golaha shacabka Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo sheegatay qaraxyadii Baydhabo iyo tirada dhimashada oo korortay

Caydiid Ali