Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka duushay diyaarad Ambalaas ah oo lagu qaaday Dhaawaca Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo xubno kale oo la dhaawacmay.
Diyaarada oo kasoo duushay dalka Qadar ayaa qaaday dhaawacyada culus dadkii shalay ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, waxaana dhaawacyada la qaaday ku jira Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaha Warta Nabada.
Dhaawacyada goordhaw Dibadda loo qaaday ayaa ahaa kuwa culus oo wax badan looga qaban waayay Isbitaalka Digfeer oo shalay galab ilaa maanta ku jireen, waxaana la filayaa in masuuliyiintan la geeyo Isbitaalo waa weyn oo xaaladooda lagula tacaalayo.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayaa dhaawacyo culus waxa ay kasoo gaareen Madaxa iyo caloosha, waxaana xalay lagu sameeyay labo qaliin oo la sheegay in ay guuleesteen.
Xukuumada Soomaaliya ayaa guddi gaar ah u saartay sidii wax loogu qaban lahaa isbitaalo dibadda ahna loogu qaadi lahaa masuuliyiinta iyo dadkii kale ee dhaawacyada kasoo gaareen qaraxii shalay galab ka dhacay xarunta maamulka Gobolka Banaadir.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com