Allbanaadir.com
NEWS

Maxaabiista Xabsiga dhexe oo soo saaray Qalab casri ah & Wasaarad la wareegtay (Daawo Sawirro)

Taliska ciidanka asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta qalab xafiiseed ay soo saareen Maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ku wareejiyey Wasaaradda Warfaafinta.

Cabdulle Xuseen Faarax waxa uu ka mid yahay Maxabiista  Xirfadaha kala duwan ku bartay Xabsiga Dhexe waxaana uu sheegay in uu ka faa’iidey Xabsiga Xirfad uu ku shaqeysan karo, haddii uu dhammeysto mudada lagu xukumay.

Taliyaha Ciidanka asluubta S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sii-hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta, ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda C/raxmaan Iidaan Yoonis iyo agaasimeyaasha Warbaahinta dowlada ku wareejiyey qalab xafiiseed

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay Qalab xafiiskeedkan ay gacantooda ku farsameeyeen qaar ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe, waxayna ka kooban yihiin miisas qaab farxashan ah loogu sawiray astaamaha Warbaahinta dowlada iyo kuraas

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta ahna wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis, ayaa uga mahadceliyey taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed sida ay u soo hindiseen Qalabka loogu talogalay shaqooyinka Wasaaradda.

Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa si ay u noqdaan dad wax soo saar leh waxaa loo hirgeliyey adeegyada aas-aasiga u ah sida Biyo Nadiif ah, Waxbarasho dhowr qeybood ah oo ay farsamada gacanta ka mid tahay iyo waxyaabo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay weerarkii ka socday Hotelka Xayaat iyo sida hada xaal yahay

Cabdi Cade

Magaalada Zwolle [Holland] oo martigalisay tartan kubadda cagta ah oo ay ka soo qeybgaleen 8 kooxood [SAWIRRO]

admin

Dugsida Al-Huda Islamic oo Bushaaro muhiim ah u haya Qurbo joogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade