Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Masuuliyiin hor leh oo ku dhintay qaraxii Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

Iyadoo weli uu iska soo dhacayo wararka ku saabsan khasaaraha ka dhashay xarunta Maamulka gobolka Banaadir ayaa wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in masuuliyiin hor leh oo ka tirsan gobolka ay u dhinteen dhaawacyo soo gaaray.

Agaasimihii Nadaafada gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa la xaqiijiyey inuu goor dhow isbitaalka ugu geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray qaraxii xarunta dowlada hoose, wuxuuna masuulkan horey u ahaa afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Agaasimihi Shaqada iyo Shaqaalaha ee gobolka Banaadir Cabdullaahi Dheere ayaa isna la Xaqiijiyay inuu goor dhow u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Masuuliyiin uu ku jiro gudoomiyaha gobolka Banaadir oo ku dhaawacmay qaraxa ayaa la dhigay goobaha caafimaadka, qaarkood xaaladooda waa halis sida aan wararka ku heleyno.

Dhinaca kale Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka uu qaraxan u dhacay, qaarkood waxay sheegayaan in haweeney suun miineysan dhexda ku soo xiratay ay isku qarxisay goob ay ku shirsanayeen masuuliyiinta gobolka, halka wararka kalena ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid hoolka shirka lagu sii diyaariyey, ma jiro illaa hadda war ka soo baxay laamaha amniga dowlada oo ku saabsan qaraxan

La soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xil ka qaadis lagu sameeyay Cali Ibraahim Shaameey iyo Sababta keentay (Akhriso)

Cabdi Cade

(Akhriso) War-saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Xukuumadda Federaalka Somalia

Caydiid Ali

Benjamin Netanyahu oo qaatay go’aan adag oo Mareykanka ka careysiiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---