Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

GuddoomiyeTuulax oo ka hadlay qaraxii xarunta Gobolka Banaadir & dhaawaca Ing. Yariisow

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga iyo Siyaaasada ee Maamulka gobolka Benaadir Tuulax oo la hadlay warbaahinta dowlada ayaa ugu baaqay shacabka gobolka Benaadir iney is dejiyaan ka dib qaraxii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Tuulah waxa uu xaqiijiyey in Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho uu nool yahay isla markaana uu soo gaaray dhaawac fudud hadana ay dhaqaatiirta dabiibiyaan.

Sidoo kale Guddoomiye Tuulah waxa uu xaqiijiyey iney jiraan dhaawac so gaaray Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka qaarkood iyo Agaasimeyaasha dowladda hoose qaar ka tirsan.

Waxa uu sheegay in falkan uusan joojin doonin shaqada ay shacabka u hayaan isla markaana Shacabka looga baahan yahay iney isku duubni muujiyaan dowladana garab istaagaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid ka mid ah dhaawacyadii loo qaaday Doha oo caawa geeriyooday (Xaalada Yariisow)

Caydiid Ali

Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Wasiirada Arimaha Gudaha iyo Ganacsiga oo maanta xilkooda la wareegay  (Daawo Sawirada)

admin
Taboola Ads ---