Qarax ayaa la sheegay inuu goor dhow ka dhacay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir (Fiisho Governo) oo ku taalla degmada Xamar-Weyne ee Magaalada Muqdisho.
Goob-joogayaal ku sugan xarunta gobolka ayaa sheegaya in qof isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyey goob ay ku shirsanayeen masuuliyiinta gobolka iyo kuwa degmooyinka qaarkood waxaana halkaas ka dhacay khasaare nafeed.
Gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Ambalaasta ayaa halkaas gaaray kuwaasoo qaadaya dhaawacyada, waxaana goobta xiray ciidamada amaanka.
Wararka ayaa sheegaya inuu dhaawac soo gaaray guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng. Yariisow oo loola cararay goobaha caafimaadka, lama oga heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaciisa, sidoo kale Guddoomiyaha degmada Xamar-weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir iyo xubno kale ayaa dhaawacmay sida wararku nagu soo gaarayaan.
La soco wixii soo kordha
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com