Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in Liiska Odayaasha dhaqanka Beelaha ee soo xulaya Xildhibaanada Jubbaland uusan waafaqsaneyn diiwaanka Wasaaradda ee dhaqanka rasmiga ee Beelaha Jubbaland.
Wasaarada Arimaha gudaha ayaa ka digtay khatarta ka imaan karta hadii la guda galo soo xulista Xildhibaanada Jubbaland iyadoo aan la saxixin Liiska saxda ah ee odayaasha dhaqanka beelaha dega Jubbaland.
Warkan kasoo baxay Wasaarada Arimaha gudaha ayaa kusoo aadaya xili dhawaan Guddida doorashooyinka Jubbaland ay soo bandhigeen Liiska Odayaadha Dhaqanka Jubbaland ee soo xulaya Xildhibaanada maamulkaasi.
  Halkan ka Akhriso Qoraalka Wasaarada Arimaha Gudaha