Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Baaritaanka dilkii Boosaaso loogu geestay Paul Anthony Farmosa oo lasoo bandhigayo

Maamulka Puntland ayaa shaacisay in lasoo bandhigayo baaritaano lagu sameeyay dilkii Dekadda magaalada Boosaaso loogu geestay  Maamulihii Shirkadda maamuleysay Dekeda Boosaaso.

War kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in lasoo bandhigayo natiijada baaritaankii lagu sameeyay dilkii Boosaaso loogu geestay Maamulihii Shirkadda P&O Ports Paul Anthony Farmosa.

Nin hubeesan oo iska soo dhigay kaluumeesato ayaa gudaha Dekadda Boosaaso ku dhax dilay Paul Anthony Farmosa oo u dhashay Malta, waxaana masuuliyada dilkan sheegatay kooxda Al Shabaab.

Warkan kasoo baxay Puntland ee lagu shaaciyay soo bandhigista natiijada baarista dilkii loo geestay maamulkiihii Shirkadda P&O Ports ee laga leeyahay dalka Imaaradaka ayaa kusoo aadaya xili dowlada Qadar lagu eedeeyay in falal ka dhacay Boosaaso ku lug laheyd.

Warbixin lagu daabacay Wargeyska New Yourka Times ayaa lagu sheegay in Qadar ku lug laheyd qarax ka dhacay Boosaaso, waxaana Warbixinta lagu xusay in ujeedku ahaa in Imaaraadka isaga tagaan Dekadad Boosaaso oo ay maamusho shirkad dalkaasi laga leeyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar Ismiidaamin ah oo goordhaw lagu qaaday xero ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya

Cabdi Cade

Dil naxdin leh oo ka dhacay Gaalkacyo iyo Booliska oo War ka soo saaray

Caydiid Ali

Ciidamo katirsan Milatariga oo maanta Tababar loo soo xiray Xerada Turkiga (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---