Allbanaadir.com
NEWS

Sidee ayuu hoggaamiyaasheenna u beddelayaa buugga Madaxdii la Mahdiyay?

Mary Harper oo katirsan BBC Africa ayaa qabta inaysan jirin meel Soomaaliya loogu tilmaami karo dal fashilmay, maadaama tan iyo dhicista xukunkii Siyaad Barre ay bulshada Soomaaliyeed juhdi iyo halgan dheer u soo galeen sidii ay iskood u buuxin lahaayeen kaalintii dowladnimada oo meesha ka baxday.

Inaad Soomaali noqoto marka laga eego dhinaca fiican ayay tiri, Shamis Ismaciil Xuseen  oo cilmi baaris ku sameysa geeddi-socodka hab nololeed ee dalka Soomaaliyeed, waa in jiritaan la’aanta hannaan dowladeed oo sugan ay haddana nolosha ku qaabileen hal-adeyg iyo horusocod.

In ka badan rubac qarni dalka dhaca bariga qaaradda Africa ayaan helin xasilooni dadkiisu kaga samata baxaan mahadhadii dhacday 1991, tani waxaa dib loogu celiyaa in Soomaalida ayna helin tan iyo xurnimadii 1960-kii hoggaamiye indheer-garad ah oo ka madax bannaan nin jecleysi, musuq joogta ah iyo xukun jaceyl.

“Kuwa u yimaada inay noogu yaboohaan digir, galley, caano iyo saliid, ma ahan kuwo ina caawinaya. Kuwa dhab ahaan u doonaya inay gargaar noo fidiyaan, waxay noogu deeqi karaan agabyada kaalmaatiga u leh wax beerashada sida cagaf-cagaf, bacrin, riig ceelal lagu qodo iyo cayayaan-dile lagu ilaaliyo tacabkeenna. Waa taas gargaarka cunnada ee dhabta ah.”-Thomas Sankara.

Waa mid kamid ah hoggaamiyaasha ay dadkiisu mahdiyeen xukunkiisii ku dhisnaa dal jaceylka oo uu ku maamulayey dalka Burkino Faso.

Stephen Kinser oo ah qoraaga buugga Thousand Hills in Collabortaion with Kagame Himself, wuxuu ku tilmaamay mid kamid ah hoggaamiyaasha Africa kuwooda ugu doonista adag. Wuxuu gudaha buuggiisa ku sheegay in Kagame uu leeyahay hibada iyo xirfadda hoggaamiye-nimada taasi oo lagu gartay go’aankiisii adkaa oo uu qaatay kaddib markii uu af-meeray Xasuuqii Boqolka Maalmood.

In 100 Maalmood ama seddex bil iyo ayaamo aan gaarsiisneyn 10 cisho mid kamid ah qabaa’illada dalka Rwanda qudha loogu jarayey si maalinle ah 14,286 oo qof xitaa tebiyihii BBC World Service ee Mark Doyle uu garan waayey qiyaasta ruux baxda, uu maanta dhanka horumarka Africa kaga jiro boos sare, waxaase cajiib ah in caasimaddiisa Kigali tahay midda ugu billicsan qaaradda balse weydiinta uu qof weliba si nafsiyan isu hordhigayo sababta dal 1994-kii dhibbanaa maanta sidan u horumaray mise duni kale ayaa lagu beeray? si fudud warcelinta ayaa ah maya ee waxay heleen hoggaamiye Kagami oo la yimid tallaabooyin la mahdiyay oo ku xusan Buugga Madaxdii La Madiyay.

“Malihi wax qoomamo ah. Waxaan waqtiga ugu badan ku bixiyay dhismaha dalkan. Mana jirto wax intaas ka badan oo aan u baahnaa inaan sameeyo. Gabagabada maalmahayga, waxaan helay Singapore guuleysatay. Waxaana aan u huray cimrigeyga.”- Lee Kwan Yew.

Ma jirin cid rumeysneyd in dunida uu kasoo bixi doona dal la yiraahdo Singapore isakaba daa in heer sarre dunida ay kaga naaloodaan. Waxayna wargeysyada caalamka fiidda sarre ee ciwaanadooda u saarnaa qoraalka ‘ Singapore is out’ waa u dhammaatay Singapore, balse Lee ayaa u beddelay duni maanta isu heysata amni, nadaafad, iyo kobac dhaqaale.

“Inaan in yar gudaheed ku noqono mid kamid ah dalalka ugu horumarsan dunida, waa in aan ugu mahad-celinaa halgankii indheer-garadnimada lahaa ee Lee Kwan Yew.” – Patric Liew.

Dunida maanta quwadaha adduunka waxaa fiidda sarre kaga jiro dal la yiraaahdo Turki oo ay badi dadkiisu yihiin Islaam, kahor hoggaamintii indheer-garadnimada laheyd ee Erdogan dalkan magaalooyinkiisa ugu waaweyn sida Istanbul waxay aheyd magaalo qashinka dhex ceegaagayo balse mucjisada la mahiyay ee Rajab ayaa ka dhigtay iska daa qashin iyo wax la halmaala in maanta Turkiga uu kamid yahay dalalka ku horumaray dhaqaalaha adduunka.

“Dal weliba waxa uu u baahan yahay hoggaamiye adag si uu u horumariyo dhulkiisa.”-Rajab Dayib Erdogan

Intii aan ku guda jirey akhrinta dhiganahan Madaxdii la Mahiyay oo aan marba isu bed beddelayey kursi iyo sariir si aan ugu raaxeysto akhriskiisa maankeyga kumuu jirin sida in aan negi ku ahay dal dunida seddexaad ah oo ay dadkiisu la daalaa-dhacayaan nabad la’aan in ka badan rubac qarni.

Dal jaceylka iyo uturidda oo ay shacakoodu ku maamulayeen madaxda la mahiyay ee ku dhigan buuggan ayaa goorba goorta xigta idul geynaysey sida in aan la tartamayo dunida koowaad ee sida kheyrul caadiga ah caalamka u maamula ayaa ah sababta kaliftay in aan hoggaamiyaasheenna la wadaago buuggan oo aan filayo akhriskiisu inaad u riyaaqeysid.

Run ahaantii Buugga Madaxdii la Mahiyay oo aan dhihi karo haddii aad fursad u hesho akhriskiisa uu wax badan kaa beddeli doona ayaa ku dhigan u jeedooyin iyo hadafyo sarre oo ay dadkooda ku hoggaamiyeen madaxda aan qoraalkan kusoo qaatay iyo kuwa kale ee ku dhigan buuggan mid weliba oo iyaga kamid ah waxa uu lahaa aragti midba midka kale ka duwan oo uu ummaddiisa guulo la taaban karo la gaaray.

WQ: Maxamed Xasan Maxamed

Farriin Danabeed: Mohassan484@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Netanyahu oo musiibo ku tilmaamay dilkii loo geestay Iyad Halaq

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo la shaaciyay Ujeedka uu ugu tagay Sheekh Aadan Madoobe

Cabdi Cade

Iska hor imaad iyo dil maanta ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---