Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasaaradda Waxbarashada Somalia oo shaacisay Natiijada Imtixaanka dugsiyada Sare

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa shaacisay natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee dalka.

Natiijada imtixaanka ee sanadkan ayaa loo soo bandhigay qaab cusub oo ka duwan sidii hore, iyadoo la sameeyay qaab arday kasta ku ogaan karo natiijadiisa.

Wasaaradda ayaa soo bandhigtay Website loogu talogalay inay Ardayda ka helaan Natiijada imtixaankooda, kaasoo arday kasta uu si gaara uga arki karo natiijadiisa oo kaliya, waxaana marka uu galo websiteka jirta goobaabin uu gelinayo Roll lambarkii u ku galay imtixaanka.

Website-ka imtixaanka laga heli karo waa

soneb.gov.so

Website-ka natiijada imtixaanka ayaa u muuqda inuusan shaqeyneynin, iyadoo ay ugu wacan tahay cilad ka timid baaxadiisa oo yar iyo dadka booqanaya oo batay, waxaana booqashada websitekan ku jahwareersan ardayda imtixaanka sugaysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qeylo-dhaan ka soo yeertay kunkii dhalinyaro ee gobolka Banaadir uu shaqo abuurka u sameeyey

Caydiid Ali

Shirkadda Facebook oo dhowaan howlgelineysa adeeg cusub oo u gaar ah..

Caydiid Ali

Mucaaradka oo wada qorshe mar kale lagu dagaal galinayo ciidankii Badbaado qaran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---