Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Deni: “Dowlada Somalia waa inay xaqiijiso waxa New York times qorayso”

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa ugu baaqay dowlada Somalia in baaritaan lagu sameeyey wararka ay qortay Jariidada New York Times ee sheegaya in dowlada Qatar ku lug laheyd qaar ka mid ah qaraxyadii ka dhacay Boosaaso.

Deni ayaa hadalkan ka sheegay furitaanka bandhiga buugaagta Garoowe oo lagu qabtay xarunta Jaamacada PSU.

“DFS waxaan ka codsanaynaa inay xaqiijiso waxa New York times qorayso oo ah maqaal oo looga hadlaayo waxyaabaha ka dhacaya Soomaaliya oo loo soo qaatay falal ka dhacay Boosaaso, isku day iyo dilkii loo geystey maareeyihii shirkadda DP World, waxaan ka codsanayaa goleyaasha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xukuumaddaba in arrintaasi baaritaan dhaba lagu sameeyo ma oranaayo waa xaqiiqadii ugu dambaysey, lakiin waxay abuurtay tuhun dadka qaarkiis ay qabeen in falal badan oo xasiloonida lagu dhaawacayo in meelo ka baxsan Puntland laga soo maleegayo oo wejiyo kale loo yeelayo, waxaan aad u codsanayaa in baaritaan dhaba lagu sameeyo”. Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Dowladda Puntland waxa uu hoosta ka xariiqay in DFS ay si bareer ah u diidey inay ka qayb qaadato dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, sida Dekedda Garacad iyo balaarinta Dekedda Boosaaso.

“Dowladda Puntland waxay marar badan weliba xukuumaddii iga horaysey ka codsatay mashaariicda waaweyn ee kaabayaasha dhaqaalaha ah inay gacan ka siiso, waxaa kamid ah dhismaha ay shacabka iyo dowladda Puntland isugu tageen, kaasoo ah dhismaha dekedda Garacad oo aad looga codsaday DFS inay gacan uga geysato, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu diidey inuu dhagax dhigo dekedda oo tago Garacad, waxaa laga waayey garab si maalgashadayaashu ay u dareemaan in dowladdoodu ay garabtaagan tahay Puntland, waxay DFS si cad u diidey balaarinta dekedda Boosaaso, waxay diidey inay siiso aqoonsi DPworld si ay u fuliso dhismaha, haddana waxaaba u sii dheeraaday waxay New York times qorayso oo iyana u baahan in dib loo eego” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa ka hadlay wax uu ugu yeeray marin habaabinta iyo iska horkeenka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku waddo Puntland, Isla markaana ay ku khaldayso dhallinyarada si ay u baalmaraan sharciga iyo kala dambaynta. isagoo xusay in qaybsiga khayraadka dalka ee loo maamulay sida qaldan.

“Waxaa intaasi barbar socota in aad shacabkeenii iyo dhallinyaradeenii loogu waalayo $100 kun iyo $150 kun oo aad ogtihiin waxa ay dhisi karto oo ay masuuliyiin leeyihiin maxaa loo diidaayaa?, waxa aan diidaynaa waa jebinta dastuurka, waxaan diidaynaa waxa weeye ku dhaqan la’aanta xeerarka Maaliyadda dalka, waxaan ka hadlaynaa waxa weeye inay cadaadaan qaybsiga Khayraadka dalka habka la raacayo, Puntland waxay diyaar u tahay in qaybta ugu badan ay qaataan walaalaheena mudada dheer dhibaatada ku soo jirey si ay u soo kabtaan” ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo hadal qaaday xubnaha guddiga dhismaha wadada Boosaaso ee dhowaan lagu xiray magaaladaas, waxaana uu xusay in sharcigu cidkasta ka weyneyn yahay.

“Waxa aan ka shaqaynaynaa waa wax danta Puntland iyo tan Soomaaliya ah, waxaan aad uga xumahay dadka akhyaarta ah oo qayb badan saaxiibaday tahay oo lagu xiray Boosasso, laakiin hadana waxaan ku kalsoonahay oo iyaguna aan rajaynayaa inay ku kalsoonaadaan sharciga, kala dambaynta, dowladnimada, nidaamka iyo waajibaadka Puntland inaan ilaalino, waayo sharcigu cidkasta isagaa ka weyn”. ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay ilaalinta nidaamka dowliga ah iyo ku dhaqanka dastuurka waxa uu ka qabo lacaga ay DFS marin haabinayso sida uu yiri ee aan waafaqsanayn xeerka Maaliyadeed ee dalka iyo kan Puntland-ba.

“Doodda oranaysa Marka DFS Puntland lacag siinayso sidee u siinaysaa? Waxaan rabaa in la fiiriyo xeerka maaliyadda Soomaaliya iyo kan Puntland-ba waxa ay ka qabaan, waa iga baraarujin in xeerarka sida ay yihiin la fiiriyo, marka la doonayo wax isku xiran oo meelo badan u baahan in laga eego” ayuu yiri Madaxweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Guddoomiyaha G/Mudug iyo xubno kale oo ku soo baxay doorasho ka socota Garowe

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo ka farxiyay Boqolaal qof oo xaalku ku xumaa (Sawirro)

Cabdi Cade

Tirada Falastiiniyiinta ku dhimatay Weerarka Israel ku heyso Gaza oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---