Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Britain oo yeelatay Ra’isul Wasaare cusub kadib doorasho dhacday

Boris Johnson oo horey usoo noqday xogahayah arimada Dibadda Britain ayaa loo doortay in uu noqdo Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalkaasi ee bedelaya Tharesa May oo xilkaasi ka dageysa.

Doorasho adag uu la galay Boris Johnson ninka la tartamayay ee Jeremy Hunt ayuu uga dambeyn kaga guuleestay, waxa uuna helay Boris codad gaaraya 92,153 halka Jeremy Hunt uu isna helay 46,656 cod.

Ra’isul Wasaaraha cusub ee yeelaneyso dowlada Britain ayaa la filayaa in xilkaasi loo dhaariyo beri marka la horgeeyo Boqorada UK, waxa uuna siyaasigan intii uu olalaha ku jiray sameeyay balan qaadyo badan oo loo riyaaqay.

Tharesa May ayaa iska casishay xilka Ra’isul Wasaaraha dalka Britain kadib markii ay ku guul dareesatay balan qaadyo badan oo ay sameesay, waxaana hada isha lagu heyn doonaa isbadalka uu la yimaado Ra’isul Wasaaraha cusub ee talada dalkaasi la wareegaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka dhigan tahay in guud ahaan Xildhibaanada golaha shacabka Codka Kalsoonida siiyaan Ra’isul Wasaare Xamse ?

admin

Axmed Madoobe: “Kala duwanaanshaha jira waa in xal deg deg ah loo helaa “

Caydiid Ali

Wafdigii Israel oo ka baxay wadahadalkii xabad joojinta ee ka socday Doxa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---