Allbanaadir.com
NEWS

Qadar oo War kasoo saartay Qaraxa lagu eedeeyay ee ka dhacay Boosaaso

Dowlada Qadar ayaa si kulul u beenisay War lagu daabacay wargeyska New York Times ee kasoo baxa dalka Mareykanka oo sheegayay in dowlada Qadar ku lug laheyd qarax ka dhacay magaalada Boosaaso.

Madaxtooyada Qadar war laga soo saaray ayaa lagu beeniyay warka lagu daabacay Wargeysa New York Times, waxa ayna dowlada Qadar sheegtay in siyaasadooda tahay in ay xasilooni abuuraan kana shaqeeyaan horumarka.

Dowlada Qadar ayaa sheegtay in aysan marnaba faragalin siyaasada iyo arimaha gudaha wadamada kale, waxa ayna dowlada Imaaraadka ku eedeesay in faragalin ku heyso Soomaaliya iyada oo dhaqaalo ku bixineysa sidii Soomaaliya u qabsan laheyd.

Warka kasoo baxay Madaxtooyada Qadar ayaa lagu sheegay in ganacsadaha Khalifa al muhannadi uusan ahayn lataliye dowlada Qadar,isla markaana uusan wakiil u ahayn dalka Qadar, waxa ayna dowladu sheegtay in ninkaasi baaritaano lagu sameenayo.

Dowlada Qadar ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya uu kala dhaxeeyo xiriir wanaagsan ayna ka taageerto dhinacyo badan , waxa ayna balan qaaday dowlada Qadar in ay sii wadeyso taageerada ay Soomaaliya siiso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo xukuno kala duwan ku riday doonyo & Kalluumeysato ajnabi ah

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni iyo Danjire Adan Xasan Adan oo kulan Xasaasi ah yeeshay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Shiinaha oo lix cisho kaliya ku dhisay Isbitaal weyn oo qaadi kara kun bukaan (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---